haad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. Baylah, goldaloolo.
  2. 1. Buunshe. 2. H. ah: qof fudfudud. 3. Xad. 4. (-dad, m.l) Hal turub afartiisa qaybood mid ka mid ah. 5. Inta qof hal mar isku cuno (turub). 6. Dhinaca loo oggolyahay in baabuur waddada ka maro. 7. Cudur maskaxeed geela ku dhaca.
  3. Nafleyda inta duusha oo baalka leh.
  4. 1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.

Lamidka: Baylah, goldaloolo

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baylah

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel cidla ah oo cabsi leh. 2. B. ah: hanti aan cid ilaalisa la joogin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

goldaloolo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel doc ka bannaan ama ka daloosha oo wax laga cabsanayaa ka iman karo. 2. Iin. ld goldaloosho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

buunshe

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Qolofka sare ee jilicsan ee ku dahaaran badarka; xashir. ld buunsho, buushe.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

xad

Qaabnax: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1

Isrogrogga: (-day, -dday)

Macnaha:

  1. Hanti qof kale leeyahay si qarsoodi ah u qaadasho.
  2. 1. Xudduud; soohdin. 2. ld xaj.
  3. (taar.) Xarriiqda kala qaybisa laba hanti ma guurto ah ama laba waddan.
  4. 1. Wax is-hortaagid. 2. Wax dhibid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur