adar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-rro, m.dh) Dheri weyn. 2. Qoolley. 3. Geed ka mid ah dhirta aan qodax lahayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

qoolley

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Nooc shimbiraha ka mid ah dhowr jaad u kala baxda oo kuwa ugu caansani surka daliig yar, madow oo qool la moodo ku leeyihiin; ceelal joog; humburuq; adar; curcurri.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur