adyad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Cay iyo aflagaaddo cid aan mutaysan lagu yiraahdo; aabi; faduul.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

aabi

Qaabnax: m.l

Macnaha:

  1. Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

faduul

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Maag, daandaansi.