asto

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld astaan¹, astaan².

astaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-aamo, m.l)

Macnaha:

  1. Summad. ld asto.
  2. (nax.) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
  3. (daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.