caddaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Midabka cad. 2. Dadka inta midabkoodu cadyahay. 3. C. ah: lacag wax lagu kala iibsaado oo aan badeeco ahayn. 4. Daacadnimo; run. 5. Dhagax dumnadeed aan dhibco lahayn. ld caddiin.
  2. eeg cad². ld caddaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daacadnimo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Daacad ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

run

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Wax xaqiiqo ah oo la hubo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caddiin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld caddaan¹.
  2. Hilibka intiisa cad; baruur.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

cad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Gabal hilib ah. 2. C. ah: in maro, dhul, xaashi iwm ah. 3. C. ah: qof gaboobay oo aan waxba qaban karin.
  2. 1. Midabka caanaha, nuuradda iwm ee soo celiya ilayska qorraxda. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin.
  3. 1. Wax cad ahaansho. 2. Wax bayaan ah oo aan shaki ku jirin ahaansho. 3. Waa ka caddahay: waa liitaa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caddaansho

Qaabnax: Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine

Macnaha:

  1. eeg caddow². ld caddaan².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur