dhimir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Maan; garaad; caqli. ld dhimiro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

maan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Awoodda garashada ee qof leeyahay.
  2. 1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

garaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Kartida maskaxdu u leedahay waxgarashada; caqli; dhu.
  2. Nin qolo madax u ah; ugaas; waba.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caqli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iyo/cuquul, m.dh)

Macnaha:

  1. Awood binu'aadanka u gaar ah oo ay wax ku kala gartaan; garaad. ld aqli.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhimiro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld dhimir.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur