doomid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg doon². ld doonis.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doon

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-oomo/-nyo, m.l)

Macnaha:

  1. Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
  2. 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.
  3. 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid.
  4. 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

doonis

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld doomid. doonid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur