wareeg
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Isrogrogga: (-gyo, m.dh)
Macnaha:
- 1. Socod aan dan la lahayn. 2. Socod aan toos ahayn; leexad; weecad; laabad.
- (xis.) Wadarta dhererada iyo dhinacyada shaxan jomatari.
- 1. (f.g) Meel macno la'aan u socosho. 2. (f.mg) Ka w.: wax ka leexasho. 3. (f.mg) Ku w.: wax kormeerid. 4. (f.mg) U w.: meel u beddelasho (qof). 5. (f.mg) La w.: xil ama alaab iwm cid ka guddoomid.

