fir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.
  2. 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. ld firfir¹.
  3. 1. Timo, caw iwm feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fuf

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Dhir la jaray ama la daaqay fiidda ka soo baxda iyadoo aan roob ku di'in.
  2. Dhir la jaray ama la daaqay iyadoo aan roob ku di'in fiid bixin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

firfir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Burcad yaryar oo caanaha marka la lulo kor sabbeeya. 2. F. ah: caano la lulay oo firfir yeeshay. 3. Dhidid f. ah: dhidid kala googo'an oo oogada nafleyda ka yimaad. 4. ld fir¹.
  2. Caano la lulay firfir yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur