firfir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Burcad yaryar oo caanaha marka la lulo kor sabbeeya. 2. F. ah: caano la lulay oo firfir yeeshay. 3. Dhidid f. ah: dhidid kala googo'an oo oogada nafleyda ka yimaad. 4. ld fir¹.
  2. Caano la lulay firfir yeelasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhidid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qoyaan dufan leh oo oogada nafleyda ka soo baxa kolkay qorrax darteed ama xanuun la kululaato. 2. ld dhididid.
  2. (c.nafl.) Dareere qashin ah, oo ka kooban milan biyeysan oo soodhiyam koloraydh, yuuriya yar iyo walxo kale. shaqadiisu waxaa weeye qaboojinta jidhka iyo joogteynta heer kulka naasleyda.
  3. Nafley qorrax ama xanuun la kululaatay qoyaan dufan leh oogadeeda ka soo yaacid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cagaarka ka soo baxa meel laga guuray; fuf.
  2. 1. Taxanaha abtirsiimada ee laga soo askumay. 2. Cagaarka ugu horreeya ee geedaha ka soo baxa. ld firfir¹.
  3. 1. Timo, caw iwm feerid. 2. Geedo cagaar yar bixin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur