reed

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Dhinac; gees; baal; dhan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhinac

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Doc; gees. 2. Hilib feero ah. 3. La dh. ah: cid, cid kale taageersan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

gees

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-so, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Cad sida lafta u adag oo ka baxa maxada raafleyda qaarkood (lo'da, ariga, ugaarta iwm), madaxa raafleyda. 2. Dhinac; hareer. 3. Laba saneeg oo ka baxa madaxa cayayaanka qaarkii; geesdaree.
  2. 1. Dhan; dhinac; jaho. 2. G.kayga/g.tayda, g.kaaga/g.taada iwm: dhinacayga, dhinacaaga iw.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
  2. Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

dhan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhinac, gees. 2. Erey lagu isticmaalo ereyada lammane ah oo cabbidda micneeya. Tus. “Caana dh.”.
  2. Caano cabbid.
  3. Wax aan wax ka dhinnayn ahaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur