hoor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Nooc geela ka mid ah, caano badan, adkaysi yar, dhogor yar, bar gaaban.
  2. 1. Dhibco biyo ah oo meel ka soo dhacaya. 2. Illin.
  3. (kiim.) Wejiga maatarka ee saxarrada walaxdu ay ka koobantahay isugu dabranyihiin si debecsan.
  4. 1. Roob di'id. 2. Dhibco biyo ah meel ka soo dhicid.

illin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-mmo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Meesha furan oo guryaha, xeryaha, qolalka iwm laga galo; irrid.
  2. 1. (m.u) Biyaha indhaha ka yimaadda; ilmo. 2. ld illis. eeg illi.