bah

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ho, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Naago nin qabo middood iyo carruurteeda. 2. Isku b. ah: carruur hooyo keli ahi wada dhashay. 3. Xiddigo dayaxu maro oo u dhexeeya xoor iyo faruuryo. ld baho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baho

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. ld bah.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur