jaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Dad guryo isu dhaw deggan. 2. ld yaar 1. Xakame yar oo fardaha afka looga xiro. 3. Haruub; bire.

Lamidka: yaar, haruub, bire

yaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld jaar(2).
  2. Koor carrabbadeeda isku xirid si aanay u shanqarin.

Lamidka: jaar

haruub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bbo/byo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Daboolka haanta ama dhiisha. 2. Weelcaanoodka aan daboolka lahayn.

bire

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rayaal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. Weel qori ka samaysan leh af ballaaran sidde la qabsado oo geela lagu maalo, gaawe, toobke. ld bure.