kur

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-rar, m.l)

Macnaha:

  1. Madax; unuun.
  2. 1. Duco iyo Alla-bari dumarka uurka lihi sameeyaan kolka sidkoodu dhammaad ku dhow dahay; kuraysi; madaxshub; sagaalaysi; tararaysi. 2. Buur yar; kood. 3. Xeero yar oo bunka lagu shubto. 4. Weel qori ah oo qaabka dhiisha loo qoro oo lagu kaydiyo burcadka inta aan la shiilin.
  3. Wax si siman u goyn.

madax

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-xyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Oogada qaybta sare ee nafleyda. 2. Maskax, laab, caqli. 3. Baab. 4. Koox, qayb. 5. Dhool (roob); garab; saylaan. 6. Bayd faal, dhinaca qofka faalka dhigaya soo xiga ma ahee dhinaca kale.
  2. Qof meel ama dad u sarreeya; duq waayeel.

unuun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Madax; kur. 2. Geed faalala oo qaraha u eg oo bixiya miro dacarta ka sii kharaar oo laysku dhaweeyo.

kuraysi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld kuraysasho.

madaxshub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Sadaqo loo bixiyo qof haween ah oo dhintay. 2. Allabbari haweenku bixiyaan marka ay soo sid-dhaweeyaan; kuraysi; taraaraysi; sagaalaysi.

kood

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Lafaha gebiga ah oo indhaha ka korreeya oo sunnayaashu ku yaalliin midkood. 2. Hadal hoos laysugu sheego; faq. 3. Xodxodasho. 4. Neef bayr leh oo aan la qaban karin; farow. 5. (m.l./dh) (-do, m.l) Dhul siman meel ka yara sarreysa.
  2. ld kooda².