laal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Ciyaar laba kooxood loo ciyaaro oo ku dhisan orod iyo isaseemid. ld lool¹.
  2. 1. Wax meel kore saarid. 2. Sharci ama xeer hore u jirey tirtirid. 3. Wax meel sare yaal gacan ku tiigsasho. 4. Laal ciyaarid. 5. Gar iyo dood laba dhinac ka dhexeysa meel adag gelin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

lool

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Jaad ka mid ah dhigaha aqalada miyiga lagu dhiso. 2. Dhagax mindiyaha iwm lagu afeeyo. 3. Xarriiq dhulka gudub u gooysa oo la siman dhulbaraha. 4. ld laal¹.
  2. (juqr.) Xarriiq dhigeed ama barka goobooyinka waaweyn midkood, goobooyinkaas oo mara cirifyada, badhahana xaglo quman u gooya; xarriiqaasi ma ahin goobo buuxda maxaa yeelay waxaa jira faraq 80 oo dhig ah iyo waqti 12 sacadood ah oo u dhexeeya labada badh ee goobooyinka waaweyn ee mara cirifyada.
  3. 1. Awr si aan toos ahayn awr kale mici ugu dhufasho. 2. Laal ciyaarid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur