qoon

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ooman, m.l)

Macnaha:

  1. Ummad, dad isku jinsi ah oo meel ku wada nool.
  2. 1. Cudur, dhibaato. 2. (-oomo, m.l) Dhaawac; nabar.
  3. 1. Cid dhaawac gaarsiin. 2. Cid dhibaato gayeysiin.
  4. Wax dhaawac ama dhibaato gaartay noqosho (nafley).

nabar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-bro, m.l/-rro, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dillaac haragga ama jidhka gaadha dhaawac ku dhacay awgeed; qoon. 2. Raad uu qofka ku reebo dhaawac bogsaday. 3. Kol; mar. 4. Ooddin; aydin; qabatin.
  2. Cid jug, dhaawaq iwm. gaarsiin.