shan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.

xoog

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Kartida muruqyadu u yeeshaan culays qaadidda. 2. (-gag, m.l) Ciidan. 3. (-gag, m.l) Kubka intiisa hore u jeedda. 4. (fiis.) Riixidda ama jiididda ku dhacda wax.
  2. (fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).
  3. 1. Wax khasab ku qaadasho. 2. Haweeney kufsasho.

awood

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Kartida ay cidi u leedahay inay arrin meel mariso. 2. Xoogga muruqa.
  2. (fiis.) Summad P. Dhakhsaha hawl lagu qabtay ama ay tamari ku geddisantay P: hawl la qabtay amminta ay ku qaadatay habka caalamiga (HC) waxa lagu cabbiraa Waat (Juul halkii seken).
  3. (f.g) A./(f.mg) u a.: arrin wax ka qabashadeeda karti u yeelasho.

gacan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ammo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Khoori.
  2. (xis.) Xarriiq toosan ee ka timaada xuddunta kuna dhammaata bar ku taalla meeriska goobada ama fogaanta ka bilaabata xuddunta kubbad, kuna dhammaata bar ku taal dusha kubbadda.
  3. 1. Xubinta faraha leh ee dadka wax ku qabsado. 2. Xubin dheer, madaxa maroodiga ka laallaadda oo uu wax ku qabsado kana neefsado. 3. Dhegta weelasha iwm.

Lamidka: Khoori