shub

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid.
  2. 1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

shubid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg shub². ld shub¹, shubaal, shubniin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur