xabag

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-bko, m.l) Dhacaan geedaha qaarkood ka yimaada ama laga liso oo kolkii uu neecaawda dareemo isqabsada oo adkaada. 2. Hunguriga cad meesha curtu ku taal; cune; dig.

cune

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nayaal, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Dhuunta cunnadu marto oo isku xirta afka iyo caloosha xaggeeda sare. 2. Wax cuna; cunaa.

dig

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Rubad. 2. Naf. 3. Garaaca wadnaha ee halbowlayaasha laga garto. 4. (sh.r) Cod lagu muujiyo shalaq.
  2. 1. (f.g) Aroos iwm cid ogeysiin. 2. (f.mg) U d.: qof wax u daran oo ku soo fool leh ama lala maagganyahay dareensiin si uu uga gaashaanto.