xaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Abbaar; daw; jid. 2. Wax maxkamad horteed ku caddaaday in qof lagu leeyahay. 3. Garsoor; caddaalad. 4. Run.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

abbaar

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Meel ku aadkeeda. 2. ld abbaarid.
  2. Hadal, arrin iwm sida ku habboon ee looga baahanyahay. Tus. “Hadalka abbaartiisu sidaa ma ahayn.”
  3. 1. (f.g) Si toos ah oo aan leexleexasho lahayn wax u aadid. 2. (f.mg) Ku a.: wax kale ku toosin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-wyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Waddo, dariiq; jid. 2. Wax habboon ama xaq ah. ld dow.
  2. (juqr.) Meel gaaban lagana gudbi karo ee buuro is haysta oo hakiya dhaqaaqa.
  3. Ceelal badan oo isku meel ku yaalla.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

jid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tus. “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

garsoor

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Si aan eex lahayn oo wax loo xukumo; cadaalo. 2. ld garsoori.
  2. Si aan eex lahayn wax u xukumi.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caddaalad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Maamul ku dhisan eex la'aan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

run

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Wax xaqiiqo ah oo la hubo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur