Site icon Qaamuus

ereyga

fogaad
(m.l)

ld fogaansho.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fogaad

baraarujin-caafimaad [m.l]
(daaw.) Habab qanciya dadka si loogu dhiirraggeliyo in ay ku dhaqmaan hab nololeed wanaajinaya caafimaadka kana fogaadaan caadooyinka loo haysto in ay caafimaadka wax u dhimayaan cimri nololeedka soo gaabinaya.

cagaaji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax si ay meel uga fogaadaan aad u cayrin.

dooritus [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. ld doorinuug.

durugsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax la durkiyey ahaansho. 2. Wax fogaaday ahaansho. ld durjisan, duruqsan.

heer-tamar electaroon [m.l] (-nno, m.dh)
(kiim.) Kuwantamka ugu muhimsan tiradiisa n waxay soo saarta heerka ugu muhimsan ee tamarta, waxayna leedahay qiimaha 1, 2, 3 iwm (markastoo tirada badato, elegtoroonku wuu ka sii fogaadaa bu'da).

maxmiyad [m.dh] (-do, m.l)
(juqr.) Degaan ay sameeyeen dad ka soo fogaaday dalkii ay u dhasheen; degaanka cusubi sida caadiga ah waa mid aan hore loo degganeyn amase loo degganaa si teel-teel ah.

soon [m.l]
1. Tiiraarka islaamka kooda afaraad oo muslinka faraya in bisha ramadaan soddonkeeda wax la cuno iyo wax la cabbo laga fogaado maalintii. 2. Bilaha dayaxa ee soomaalidu tirsato tooda sagaalaad ee u dhexeysa soondheere iyo soonfur, lana soomo; soonqaad. 3. Qadoodi.

tiro Afogaadro [m.dh]
(kiim.) Tirada atamada ama molikuyuulada ee ku jira hal mool oo walax ah. Qiimaheeduna waa 6.022 x 10 ; waxa hore loo oran jiray tirada Afogaadaro, waxaana lagu asteeyaa sum-madda NA ama L.

warac [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate] (-cyo, m.dh)
1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg
Exit mobile version