ansixi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)Wax ansax ka dhigid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ansixi ↴
ansax [m.l]
1. A. ah.: wax diinta ama sharciga waafaqsan. 2. ld ansixid.
ansaxin [m.dh]
(qaan.) Ansixin heshiis qoraal ah ama dukumenti oo la siinayo caddeyn saxiixid ah, oo aad sameysay mid rasmi ah.
ansixid [m.f.dh]
eeg ansax². ld ansax¹ (2).
ansixin [m.f.dh]
eeg ansixi. ld ansixis.
ansixis [m.l]
ld ansixin.
aqoon farsamo [m.dh]
1. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeesan uu sharcigu oggolaaday ama ansixiyey. 2. Hab aqooneed, ama xeelad wax lagu sameeyo hawl, farsamo, gaar ahaan dhinaca cilmiga ama farsamada.
barlammaan [m.l]
1. Urur dawladaha dimoqraadiga ahi leeyihiin xubnahiisana dadka ay soo doortaan, oo goo'aannada iyo sharciyada ansixiya. 2. Xarunta ay xubanaha baarlammaanka ku kulmaan. ld baarlamaan, baarlammaan, barlamaan.
sharciyeed [m.l]
1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.
weeso [m.dh]
1. (dii.) Mayrid la mayro xubnaha qaarkood oo faral ah,la'aanteedna ayan salaadu ansixi karin. 2. (dii.) Biyo yar oo xubnaha qaarkood lagu mayro si loo tukado. 3. (-ooyin, m.l) Ubbo. ld weyso.