arad
(m.l)

Dhul; arlo.

arad
(m.dh)

Haweenay la qabo; naag; afo.

Kamarad*

Aalad wax sawirta. Kaamiro.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh arad

faakharad [m.dh]
Dabayl ka dhacda xeebaha badweynta Hindiya xilliga dayrta.

ibamarad [m.l]
ld ibamarasho. ibamarasho

maangarad [m.l]
ld maangarasho.

naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

qaarad [m.dh] (-do, m.l)
Shanta qaybood ee waaweyn oo dhulku u qaybsan yahay middood.

sabarad [m.dh] (-do, m.l)
Tib bir ah oo dhinac fiiqan leh oo ceelasha iyo dhulka adag lagu qodo.

taarad [m.l]
ld taarasho.

xadaarad [m.dh] (-do, m.l)
Heerka horumarka dhaqanka, dhaqaalaha, tegnoolajiyada iwm oo wada jira oo ummadi gaarto. ld xad-daarad.

xaddaarad [m.dh] (-do, m.l)
ld xadaarad.

xafaarad [m.dh] (-do, m.l)
1. Aalad dhulka dillaacisa ama ciidda bixisa. 2. Markab weyn oo badda qoda.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg