arkid
(m.f.dh)eeg arag².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh arkid ↴
dhadhab [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bay, -btay)
1. Hurdada gudaheeda muuqaallo kala jaad ah, maanka ku arkid; riyood. 2. Ku dh.: wax la jecelyahay ku qarwid.
hel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-elay, -eshay)
Wax lumay arkid.
horseed [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Cid wax u horkicid. 2. Cid geeddiga meel la dejiyo u soo arkid.
indhabaaq [m.l]
Wax arkid la'aanta ilma xoolaad oo markaas dhashay.
midab-arag-la'aan [m.dh]
(daaw.) Xaalad cudureed uusan qofka kala sooci karin aragga midabyo qaarkood. Nooca uga badan waxa la yiraahda daltoonism (protanodia), arkid la'an cagaarka iyo gaduudka (yacnii waa laysku khaldaa labadaa midab).
muuqo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-qday, -qatay)
1. Wax la arki karo noqosho. 2. U m.: wax dhab ahaantiisa mooyaane si kale u arkid ama u fahmid.
qurqursan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
U q.: arrin wax gar ah u arkid (qof).
riyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Hurdo dhexdeed riyo arkid.