ballan
(m.l) (-ammo, m.dh)

1. Arrin laba qof ama ka badan meel marinteeda ku heshiyaan in ay meel mariyaan. 2. Nooc bariidka waaweyn ka mid ah, oo macaan. 3. Neef indhaha beelay.

ballan
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-amay, -antay; -ami)

Arrin laba qof ama ka badan meel marinteeda ku heshiin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ballan

nabsi [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.

wacadfur [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Ku w.: ballan adag oo la galay ka bixid.

ballanqaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. ld ballangal².

ballami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Cid, ballan u dhigid.

ballamid [m.f.dh]
eeg ballan². ld ballan¹.

ballanbaaji [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
Cid, ballan ay dhigtay ka maqnaan.

ballanbaajin [m.f.dh]
eeg ballanbaaji. ld ballanbaajis.

ballanbaajis [m.l]
ld baallanbaajin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg