ballanqaad
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-day, -dday)

Wax lagu heshiiyay ama lays faray ballanteeda qaadid. ld ballangal².

ballanqaad
(m.l) (-dyo, m.dh)

1. Caddeynta cidi bixiso ee ay ku shaqeyso in ay ballan meel marineyso. 2. Warqad rasmi ah oo cidi ku caddeynayso gudidda qiimaha waxa la soo dalbaday. ld ballangaal¹.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh ballanqaad

ballangal [m.l]
ld ballanqaad¹.

ballangal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
ld ballanqaad².

ballangelid [m.f.dh]
ld ballanqaadid.

ballanqaadid [m.f.dh]
eeg ballanqaad². ld ballangelid, ballanqaadis.

ballanqaadis [m.dh]
ld ballanqaadid.

dalab [m.l] (-byo, m.dh)
Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.

dalab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-lbay, -labtay; -lbi)
Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.

dammaan [m.l]
1. ld lammaan 1. Heshiis qoraal ama af oo caddeynaya in la fulin doono wax lagu heshiiyey; ballanqaad. 2. Ari d. ah: ariga inta jarka ah oo loogu talagalay iib.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg