Baraarug

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah oo arrin loo yeesho. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh oo hurdo looga koco. ld baraarugid.

Baraarug

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-go, m.l)

Dugaagad bir ama maar ah oo carruurta gacanta ama lugta loogu xiro si ayan hurdada uga soo sasin.

Baraarug

Qaabnaxa: Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1 Isrogrogga: (-gay, -gtay)

1. Qof iskiis hurdo uga kicid. 2. Si aan caadi ahayn oo dhaqsi leh hurdo ugu kicid. 3. Dareen iyo feejignaan dheeraad ah arrin u yeelasho.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga baraarug

xadato | baraarugid | baraarugsan | baraarugsanaan | baraarugsanaansho | damman | dheelallaabo |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg