baryo
(m.dh)Si debacsan oo cid waxay leedahay ama mas'uul ka tahay loo weyddiisto; tuugmo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baryo ↴
yawyab [m.l]
1. Baryo foolxun oo qof baryayo laga aamusi waayo oo faraqa lagu dhego. 2. Buuq carruur.
alaah [m.l] (-hyo, m.dh)
Qof baryo badan oo aan xishoon.
aweyti [m.dh]
Habaar, cid Eebbe looga baryo in uu dhaqso u dhinto.
balalo [m.dh]
1. Bacaroor. 2. Cudur xoolaha ku dhaca markay daaqaan geedka balalada. 3. Xoolo ceel la keenay oo yeel la'aan awgeed baryo lagu waraabshey.
baryood [m.l]
1. Cunto bariday. 2. Ciir aad u dhannaan oo aan la cabbi karin.
baryootamid [m.f.dh]
eeg baryootan². ld baryootan¹ (2).
baryootan [m.l]
1. Baryo badan. 2. ld baryootamid.
baryootan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Si aad ah cid u baryid.
beridhax [m.l]
Baryidda habeen meel la baryo. ld beridhaxmo (2).