bax
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-xay, -xday; -bixi)1. Meel ka tegid. 2. Dhimasho. 3. Caloolbixid, shubmid. 4. Soo dheeraan (dhir, timo iwm). 5. Muuqasho (qorrax, dayax iwm). 6. Shidmid (dab). 7. Gadmid, iibsamid (ganacsi). 8. Ka b.: wax ka noqosho. 9. Ka b.: arrin ama waajib gudasho. 10. Ku b.: qaymo ku fadhiisasho. 11. La b.: wax meel ku jira baxsasho. 12. La b.: la cararid (gabar). 13. Isku b.: isku buuqid, isku kicid. 14. Isku b.: jiq noqosho. 15. Kala b.: kala qaybsamid. 16. Kala b.: dhanaanaasho, suusacid (caano). 17. Haan caano lagu lulay subag dhalid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bax ↴
aah [Erey Dareen | Exclamation]
Cod yar oo qof xanuun hayo ka soo baxa. ld ah². ah
aakib [m.l]
1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo
fal lagu dhaqaaqi doono. Tus. “Samaynta
Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay
joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tus. “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
ib [m.dh] (-bo, m.l)
1. Dalool yar oo naasaha
caaraddooda ku yaal oo ay caanuhu ka soo
baxaan. 2. Dalool ku yaal xubinta taranka
laboodka oo ay kaadidu ka soo baxdo.
3. Dhuun yar oo xanjo ka samaysan oo
dhurduhu u maro surta.
taab [m.l] (-bab, m.l)
1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. ld taabid. taabid
ubax [m.l]
Qaybaha geedka qayb ka mid ah oo
xubnaha dhalidda iyo abuurku soo maraan;
waa caleemo midabyo badan oo qurxoon;
xay; man.
ubaxaysad [m.l]
ld ubaxaysasho. ubaxaysasho
ubaxaysi [m.l]
ld ubaxaysasho. ubaxaysasho
ubaxayso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Ubax yeelasho (geed). ld ubxayso. ubxayso
ubaxdhig [m.l]
Dhigidda la dhigo meelo taariikhi ah ubax.
ubaxley [m.dh (bot.)]
Dhirta ubaxa leh. Ubaxleydu waa muuqaallada dhirta shiiqisa
ee maanta. Waxa laga helaa dhismayaasha
ugu sareeya boqortooyada dhirta, taas oo u suurto gelisa inay ku noolaadaan sabooyin kala duwan.