beled
(m.l) (-ldaan, m.dh)

Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh beled

beldaan [Magac Dheddig Wadar | Noun Feminine Plural]
eeg beled.

beledee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -deysay)
Meel beled ka dhigid.

beledeyn [m.f.dh]
eeg beledee.

beledeysasho [m.f.dh]
eeg beledeyso. ld beledeysi.

beledeysi [m.l]
ld beledeysasho.

beledeyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
Qof, beled aadid si uu ugu soo nasto.

belediyad [m.dh]
Dawladda hoose.

bender [m.l] (-rro, m.dh)
1. Magaalo meel xeeb ah ku taal. 2. Beled marso leh. 3. Yoolka ciyaarta imbiliga. ld bandar.

magaalo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg