bir
(m.dh) (-ro, m.l)

1. Macdanta dhulka laga qodo nooc ka mid ah, adag oo waxyaabo laga sameeyo oo danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya. 2. B. isha: barta yar madow, oo wax lagu arko. 3. ld bir-ajuuraan.

bir
(m.dh)

(kiim.) Curiye kasta oo kiimikaad oo ah adke widhwidha, danabka iyo kulkana si fiican u gudbiya.

bir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)

Wax sida iftiin bilig dhihid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bir

daab [m.l] (-bab, m.l)
Qori ama bir la qabsado oo ku rakiban qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado.

daab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Qalab goynta, jebinta, qodidda iwm loo adeegsado, qori ama bir la qabsado ku rakibid.

daabac [m.l]
1. Duub dun ah oo maryaha lagu xardho. 2. Dhar dun lagu xardhay. 3. (-cyo,m.dh) Meesha ay iska galaan daabka iyo birta toorreyda. 4. ld daabicid. daabicid

laab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.

waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.

caabbiri [m.l] (-iyo, m.dh)
Jaadadka doonyada shiraaca leh midda ugu yar oo qaadi karta toddobaatan ilaa afar boqol jawaan.

saabbir [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
Saabbir ah: cayr fara maran.

yaanbo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Bir xalleefsan oo af ballaaran iyo daab leh oo beeraha lagu falo. 2. Bir af ballaaran oo godan leh oo ay cagafcagaftu beeraha ku fasho.

baaf [m.l] (-faf, m.l)
Weel weyn oo bir ah una sameysan sida saxan oo dharka lagu dhaqo.

gaallays [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate]
Toorrey g. ah: toorrey dheer oo birsulub leh oo lagu dagaallamo.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg