biyo
(m.l.w)1. Hoore aan lahayn midab, dhadhan iyo ur oo ka sameysan haydaroojiin iyo oksijiin oo lama huraan u ah nolosha. 2. Hoore ka yimaadda lab iyo dhigdhig nafley marka ay isu galmoodaan ee uu ubadku ka abuurmo.
biyo
(m.l.w)(kiim.) (H2O) Hoor midablaawe ah oo ku barafooba 0°C kuna uu biyooba 100°C marka cadaadisku yahay ka atmosfeerka. auumiga biyuhu wuxuu ka koobanyahay molikuyullo HO ah madi (kelikeli) ah. Biyuhu hoor ahaan, waa milaha ciriflaha ah ee ugu awood badan. Tan waxa ugu wacan sarraynta madoorsoomaheeda labdanab.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh biyo ↴
baabbaca-caleen [m.dh] (-eemo, m.l)
(baay.) Qaybta ballaaran ee caleenta. Waxay yeelan kartaa qaabab kala duwan. Dhirta qaar ka mid ah ayaa in ka badan hal nooc oo b. c.yeesha, kuwaas oo ay ka dhacaan footoosintasiska iyo biyo saariddu.
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
kaadibadshe [m.l] (-shayaal, m.l/dh)
(daaw.) Daawo badisa kaadida ayadoo biyo iyo
cusbooyin ka soo deyneysa kelyaha.
xaafood [m.l]
Qashin biyo fadhiya ama socda soo tufaan.
caag [m.l] (-gag, m.l)
1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
daacuun [m.l]
Cudur calooleed aad halis u ah, dhaqso u faafa oo leh shuban badan oo biyo ah. ld daacuun-calooleed, daacuuncaloolo. daacuun-calooleed, daacuuncaloolo
daacuun [m.l] (daaw.)
Cudur muddo gaaban oo la is qaadsiiyo oo ku dhaca xiidmaha waxaana keena baktiiriyada “vibrio cholerae”. Astaamaha: matag badan, shuban biyha bariiska u eg, jirka oo biyuhu ka dhammaadaan; cudurka waxaa laga qaadaa cunto ama biyo aan nadiif ahayn oo u gaadhay saxaro qof qaba cudurkaas.
daad [m.l] (-dad, m.l)
1. Biyo xoog leh oo faafa oo ka yimaadda roob da'ay ama webi fatahay. 2. Qaybta roobka ka mid ah oo ugu dambaysti gaarta duruuraha.
daad [m.l] (-dad, m.l)
(juqr.) Biyo si kedis ah oo dar-dar ah u shubma ee uu gaar ahaan keeno roobka weyn ee ka da'a waadiyada meelaha lamadegaan-u-ekeyaasha ah.
daaf [m.l]
(daaw.) Halamacoodka xuubka isha iyo baalasha kaasoo gaduuta oo barara soona daaya biyo ama malax.