bogsoo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-ooday, -ootay)ld bogso.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh bogsoo ↴
haar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Raadka nabar ama dhaawac bogsooday ku reebo oogada. 2. Meel bannaan oo aan dhir lahayn. 3. Taag, buur gaaban. taag, buur, gaaban
bogsasho [m.f.dh]
eeg bogso. ld bogsad, bogsi, bogsood.
bogso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Wax caafimaaday noqosho. ld bogsoo.
bogsood [m.l]
ld bogsasho.
carsaanyow [m.l]
(daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
cashibbax [m.l]
1. C. ah: xoolo cashi ka bogsooday. 2. ld cashibbixid.
kabbax [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac.
kacdood [m.l]
1. Dib u caaliridda nabar la moodaayay in uu bogsooday dib u caaliro. 2. ld kacdoodid. ld kacdoon.
qumbaco [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-cday, -catay)
Qof jirro ka soo bogsoonaya oo howl galay dhibaato la kulmid.