dacwad
(m.dh) (-do, m.l)

Dood garnaqsi iyo eedeyn leh oo laba qof ama ka badan dhexmarta. ld dacwi¹, dacwo.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dacwad

dacwi [m.l]
ld dacwad.

dacwo [m.dh]
ld dacwad.

hordhig [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Wax, wax kale ku hor gudbid. 2. Arrin, dacwad iwm cid wax ka qaban karta hor gayn. 3. Cunto, cabbid iwm cid u gayn.

kiis [m.l] (-sas, m.l)
1. Dacwad maxkama-deed. 2. ld xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay.

kiismiskiin [m.l]
Codsi qof u qorto maxkamad si looga dhaafo kharajka ku baxaya dacwadda loo qaadayo.

maxkamad [m.dh] (-do, m.l)
1. Hoy dacwadda lagu qaado. 2. Xukun hab dawli ah loo qaado. 2. Dadka xukunka qaada.

naq [m.l]
1. Caleenta iyo cawska ay soo saaraan biyo ama roob; doog; tigaad. 2. Hadal dood iyo dacwad isugu jira.

sheego [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-gtay, -gatay)
1. Dacwad, arrin, qaan iwm jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg