dildillaac
(m.l)

Jeexjeex uu yeesho dhul, jir nafley dhar iwm.

dildillaac
(m.l)

(jool.) Kala jeex-jeexanka dhadhaabaha, marka ay la kulmaan cadaadis heer sare ah; waxa ay noqdaan qaydad ama xaashiyo khafiif ah.

dildillaac
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-cay, -cday)

Dhul, dhar, oogo nafley, jeexjeex yeelasho. Tus. “Dhulki baa dildillaacay”.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh dildillaac

dharabow [m.l]
Cudur cagaha dadka ka gala oo u yeela barar iyo dildillaac oo ka dhasha dhiriqda iyo dhoobada.

dhulgariir [m.l] (-rro, m.dh)
Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.

diindiin [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
D. ah: dhar aad u duugoobay oo si sahlan u dildillaaci kara.

diindiin [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-iimay, -iintay; -iimi)
Si sahlan u dildillaacid (dhar aad u duugoobay).

dildillaaca-waaberi [m.l]
Xilliga iftiinka subaxnimo bilaabanayo.

dildillaaci [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax dildillaac u yeelid.

dildillaacid [m.f.dh]
eeg dildillaac².

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg