duuban
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bmay, -bantay; -bmi)1. Wax duubmay noqosho. 2. Isku d.: wax midaysan noqosho.
duuban
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-bnaa, -bnayd)1. Derin iwm wax la duubay ahaansho. 2. Nabar wax gaarso lagu maray ahaansho. 3. Cajalad wax hadal lagu duubay ahaansho. 4. Isku d.: wax midaysan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh duuban ↴
qaanuun [m.l] (-nno/qawaaniin, m.dh)
1. Sharciyo iyo nidaamyo isku duuban oo qolo gaar ah ku dhaqanta. 2. Dhaqan. ld qaynuun, qeynuun.
rablee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-leeyay, -laysay)
1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.
xalus [m.l]
Laab weyn oo baruur duuban ah oo dadka shilis, siiba dumarku, xuddunta hoos-teeda ku yeeshaan. ld xulus.
afduuban [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-bnaa, -bnayd)
Wax la afduubay ahaansho.
baandhays [m.l]
1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. ld baandhayn.
dhig [m.dh] (-go, m.l)
1. Ulo dhaadheer, jil iskula duuban, qaab qaanso leh oo aqal soomaaliga lagu dhiso. 2. Summad geela lagu dhigo oo leh qaab dhig hoos u jeedda.
dilindillee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax duuban ama kankoonsan sida birmiil iwm garaangarin.
dilindillo [m.dh]
Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. ld dilindillayn.
dunnee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-neeyay, -naysay)
Gacan duuban cid si xoog ah ugu dhufasho.
dunno [m.dh]
Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.