fantax
(m.dh) (-xyo, m.l)

1. Meel yar oo ka banaan wax qarkiis. 2. Leebka meesha boqonka laga saaro ee qabsata.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh fantax

faantax [m.dh]
ld fantax.

faraqarrar [m.l]
1. Fantaxda u dhaxeysa faraha nafleyda. 2. Cudur faraha dhexdooda ku dhaca oo dhaliya dhaawac xanuun badan. 3. ld faraqaris.

gamuun [m.l] (-nno, m.dh)
Ul yar, dhuuban, afka hore ka gammooxan, gadaalna fantax iyo baalal ku leh oo qaansada laga gem.

gundhis [m.l]
Bir daab qori ah leh, afkana fantax ku leh oo wax lagu tolo.

madag [m.dh] (-dko, m.l)
Qori gaaban oo sida badan geedka docolka, mareerka iwm laga qoro oo inta dhexda fantax yar looga yeelo ul yar oo af siman leh lagu fariisiyo, kaddibna xoog loo xurbiyo ilaa uu dab ka dhasho.

shiish [m.l]
1. (-shash, m.l) Kurtun yar, bir ah oo ka soo taagan dhuunta buntukha madaxeeda hore oo marka wax la nishaabayo iyada iyo fantax yar oo iyaduna buntukha meel dhexe oo hore kaga taal laysku abbaaro. 2. Nishaab; toog.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg