faxal
(m.l)(bot.) Rimaygacmeed lagu sameeyo geedaha aan labaabshaha ahayn sida timirta iyadoo la goynaayo khaylka lab oo marka la qallajiyo lala dhaco khaylka dheddig oo geedkiisii ku yaal.
faxal
(m.l) (-llo, m.dh)(baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo.
faxal
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-xlay, -xashay; -xli)(bot.)Faxal sameyn.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh faxal ↴
bacrimane saygot [m.l] (-ooyin ..., m.l)
(baay.) Gaamayt dheddig oo bacrinsan: waa maxsuulka is kudarsanka bu'da ugxanta iyo xawada ama boodh faxalka.
faxalside [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(baay.) Mid ka mid ah qaybaha taranka ee lab ee ubaxa. Waxay ka koobantahay qayb sare oo bacrinsami karta (faxal) oo ku dul taalla liif dheer oo ma dhaleys ah.
faxlid tallow [m.l] (-wyo, m.dh)
Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxalsidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda geed kale.
faxlid [m.f.dh]
eeg faxal³.
faxlid [m.dh]
(bot.) Dariiqadda uu faxalku ku tago sibiisha fur ubo-ubax.
isfaxlid [m.dh]
Gudbinta faxalka ee laga soo qaado faxal sidaha geed loona gudbiyo fur ubo-ubaxda isla geedkaas.
kahsi [m.l]
(daaw.) Xaalad uu jidhku ku soo saaro jawaab ah kabbax an caadi ahayn qaar ka mid ah lid jidh dhaliyayaasha oo la yidhaahdo allarjiino, kaas waxa ka mid ah boodhka, faxalka, cuntooyinka qaarkood iyo dawooyinka ama dhogorta.