garaacid
(m.f.dh)eeg garaac³. ld garaac¹ (3), garaaci.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh garaacid ↴
aa' [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-'ay, -'day)
1. Cid ama wax garaacid, u cagajuglayn. 2. Dagaallamid.
raac [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-cay, -cday)
1. (f.g) Cid socod ku wehelin. 2. (f.g) Waddoqaadid. 3. (f.g) Diyaarad, baabuur iwm oo socda fuulid. 4. (f.g) Bahal iyo dayac xoolo ka ilaalin. 5. (f.g) Cid cayrsasho. 6. (f.mg) Ku r.: cid ra'yi iwm la oggolaan. 7. (f.mg) La r.: xoolo iwm garaacid. waddoqaadid
qaaree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
Nafley ul weyn ku garaacid.
raawi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.
afdhabaandhab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Si cid hadlaysa loo aammusiiyo afka aayar gacanta ugu garaacid.
bugee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-geeyay, -geysay)
Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucee, buhee.
buhabbuhee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-heeyay, -heysay)
Cid si aan halis ahayn u garaacid. ld bucabbucee, bukabbukee (2).
bukabbukee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-keeyay, -kaysay)
1. ld bukee. Wax garaacid si lagu jilciyo. 2. ld buhabbuhee.
dhabaandhaw [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-dhebay, -dhawday; -dhebi)
1. Ilmo la seexinayo, si tartiib ah oo aan kala go'lahayn gacanta ugu garaacid. 2. Haldal guubaabo ah oo si is daba joog ah cid loogu yiraashdo.
dhabar-garaacid [m.f.dh]
eeg dhabar-garaac². ld duud-garaacid.