gariir
(m.l)1. Dhaxan ama jirro oo jirku la ruxdo. 2. ld gallayr. 3. ld gariiri.
gariir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)Cabsi, dhaxan iwm awgeed la ruxash.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gariir ↴
jabaq [m.dh] (-qo, m.l)
(fiis.) Gariirka dhex maraya dhextaal loodsame ah, lehna rakaad iyo itaal nashaadin kara dareenka maqalka ee dhegta aadamaha. Rakaadka jabaqdu waxa uu u dhexeeyaa. 20 --> 20,000 heertis, waana gaalis maqalka.
alkohooliisam [m.l]
(daaw.) Xaalad bukaansho ka timid u barashada aalkohoolka ee qofka, taas oo haddii si kadis ah looga joojiyo keeni karta calaamado: sida gariir, xasilloonila'an, halluujineeshinis iyo qalbi jab.
balbal [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-alay, -ashay)
Cabsi la gariirid.
burunjiyee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-yeeyay, -yeysay)
Cabsi, gabow, qandho iwm la gariirid.
cilmiga dhulgariirka [m.l]
(jool.) Cilmiga barashada dhulgariirka.
cirifayn [m.dh]
1. (fiis.) Xadaynta gariirrada ay leedahay hir gudbani, si gariirku ugu dhaco sallax keliya. Tusaale ahaan, kaaha birlab-danabeed waa dhaqaaqa hir gudban. 2. (fiis.) Yaraynta maayadda unugga Foolt, taas oo ka dhalata tuulmidda maxsuullada ka soo baxa falgalka kiimikaad.
cuddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. ld cuti².
dardho [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Dhaxan aad u badan la gariirid (nafley).
dhulgariir [m.l] (-rro, m.dh)
Ruxashada dhulka ka dhacda oo dushiisa dildillaac u yeesha oo burbur iyo waxyeello badan keenta.
dhulgariir [m.l] (-rro, m.dh)
(jool.) Dhaqaaqa ama jaraynta oogada dhulka oo ku billaabata si dabiici ah, kana billaabata meel ka hooseysa oogada dhulka. Mararka qaarkood dhaqaaqaasi wuxuu u keenaa isbeddel waara heerka sinnaanta dhulka.