gob
(m.l)Geed-qodxeed dheer oo leh miro la cuno oo macaan oo ag kuwa xammurk.
gob
(Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective)1. Qof dad la dhaqan wanaagsan oo asluub loo bogo leh. 2. G. ah: inta talada u haysa bulsho meel ku wada noo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh gob ↴
jaariile [m.l]
Ciyaar dhaqameed laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan gobolka Hiiraan.
laandheer [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-raa, -rayd)
L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.
laandheere [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
1. Qof qabiil tira badan ka dhashay oo gobnimo ku faano. 2. Qabiil tiro badan.
oomane [m.l] (-ayaal, m.l/dh)
(c.cimi.) Roob yari: badanaa waxaa lagu isticmaalaa cimilo ama gobol uu roobku ku yaryahay oo uu deegaanta si liidata ugu filanyahay. Mararka qaarkood waxaa lagu isticmaalaa meelaha celceliska roobku ka yaryahay 250 mm (10 hiisk).
oomane-u-eke [m.l] (-yaal, m.l/dh)
(juqr.) Ereyo loo istiicmalo cimilada iyo deegaanta siday u kala horeeyaan gobollada cidhifyada lamadegaannada halkaasoo roob sannadeedku in yar badanyahay deegaantuna xoogaa ka filiqsantahay meelaha ku xiga, sida lamadegaanka kulul iyo safaanaha dhexdooda.
orgobbe [m.l] (-bayaal, m.l/dh)
1. Shabeel lab oo qooqan oo dad cun ah. 2. Qof dhaqan bahal leh.
xagaayo [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Roob ka da'a xeebaha gobollada koofureed. 2. Xilliga roobkaasi da'o.
ab'orijinis [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective] (-syo, m.dh)
Dadka asal ahaan u deggan amase degganaan jiray gobol, gaar ahaanse waxaa lagu istimaalaa dadkii Ustraliya degganaan jiray intii aan caddaanku tegin; ab'ogaa.
afgobaadsad [m.l]
ld afgobaadsasho.
afgobaadsasho [m.f.dh]
eeg afgobaadso. ld afgobaadsad, afgobaadsi.