har
(m.l) (-rar, m.l)1. Wax if qabtay hooska uu bixiyo. 2. Meel dusha ka dedan, waab, guri iwm hooskooda qabow.
har
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-ray, -rtay)1. (f.g) Digo iwm meel ka xaarid. 2. (f.mg) Safar iwm dad u bixi lahaa mid ka mid ah ka baaqasho. 3. (f.mg) Qof dad uu la socday ka gaabin. 4. (f.mg) Wax la isticmaalay in yar ka baaqi noqosho. 5. (f.mg) U h.: qof dhintay xoolo ka dhaxlid.
Harweyn*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
ugaarsade-hargaandi*
baydari
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
waa marka xoolaha guran ee aan irmaaneyn laguraaan rag kaliya een wadan hoy ama aqal
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh har ↴
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
raabacad [m.dh]
Cayaar turub (dabaka-eri)marka saddex raani baxdo tan afaraad ee harta.
waab [m.l] (-bad, m.l/waab, m.dh)
1. Dhis yar oo la harsado. 2. Dhis dadka buka la jiifiyo ama lagu daweeyo. 3. Hoose birta lagu tumo.
saabil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.
aameel [m.l] (-llo, m.dh)
1. Weel qori ka samaysan oo aan dabool lahayn oo lo'da iyo geela lagu maalo; haruub; doobi. 2. Wixii waxay arkaan iska raacaan. haruub, doobi
baabbul [m.dh] (-lo, m.l)
1. Dhogor cufan, dheer oo ka baxda qaarka hore ee libaaxa; shaash. 2. Timo jilicsan, dheer oo uu raggu la haro. shaash
naab [m.dh]
(daaw.) Qolof qallalan oo fuusha
bishimaha qofka marka uu harraado ama uu
bukoodo; jiil. jiil
ogog [m.l]
Meel, wax iwm hareeraheeda.
caad [m.dh]
1. Meel dhagax ballaaran oo siman leh oo ciid ku hareereysantahay oo biyaha celisa. 2. C.daas joog/c.daas mar: wax buux ah (weel); qof fiican.
daadxoor [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Xumbo saaruq wadata oo ka samaysanta xawliga biyaha, siiba daadadka. 2. Saaruqda daadadka ka harta.