haseyeeshee
(Xiriiriye | Conjunction)ld hayeeshee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh haseyeeshee ↴
yooyootan [m.l]
1. Cayaar sii baabba'aysa oo wiilal iyo gabdho laysu caayo, cay kaftan ah oo aan laga caroon: mirihiisu, suugaan ahaanta aad bay u fiicanyihiin haseyeeshee cayda xun oo uu ku dhisanyahay baa dishay. 2. ld yooyootamid.
baay [m.dh]
(xis.) Saamiga uu meeriska goobo kasta la sameeyo dhexroorka goobada. Seebid ahaan waxay le'egtahay, 3.14159. waa tiro ka sarreysa garashada qiimaheeda dhabta ah lama qori karo haseyeeshee waa la cabbiri karaa ilaa heer saxnimo.
dulinnimo [m.dh]
(c.nafl.) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
dux [m.l] (-yo, m.dh)
(baay.) Koox iskudhis oorgaanika ah oo laga helo noolayasha kuwaas oo aan ku milmin biyaha haseyeeshee ku milma milayaasha oorgaanikada sida koloorofoom, baasiin iwm.
hayeeshee [Xiriiriye | Conjunction]
Saas ay tahay; laakiin. ld ha'ahaatee, hase ahaatee, haseyeeshee, yeel(4).
iskunaaneysnimo [m.dh]
(kiim.) Jiritaanka laba ama in ka badan oo iskudhisyo kiimikaad oo leh naaneys molikiyuul isku mid ah haseyeeshee dhis-naaneys moliki-yuulka waxaa la yidhaahdaa iskunaa-neysyo.
sifo [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-ooyin, m.l)
(nax.) Guud ahaan waxaa sifo loo yaqaannaa dir faahfaahisa ama sifaysa dirta magaca, haseyeeshee waxaa jira afaf ka mid ah af-soomaaliga, oo dirta sifadu ay dhismo ahaan u dhaqanto sida falalka (eeg fal-sifo).
xarriiq [m.dh] (-qo, m.l)
(xis.) Isku xir ka dhexeeya laba barood oo ku yaalla dululaati ama dul xarriiqi waxa ay leedahay dherer haseyeeshee, ma laha ballac, waxa ay noqon kartaa mid toosan ama xoodan. Hidda toosan waa fogaanta ugu gaaban ee u dha-xaysa laba barood oo ku yaalla dul fidsan.
xeerka kala-hormarinta [m.l]
(xis.) Xeer ku saabsan isku xiridda laba kutirsane ee u dhexeeya xisaabfal labaale ah. Taas oo jawaabtu aan ku xirnayn sida loo kala hormariyo kutirsanayaasha. Sida: a*b = b*a. Xisaabfallada isugeynta iyo iskudhufashadu waxa ay raalliggeliyaan heerka kala hormarinta, haseyeeshee, isuqaybinta iyo kalagoyntuna ma raalligeliyaan.