qaadid
(Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine)

eeg qaad². ld qaad¹ (4), qaadis.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qaadid

daa [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (dayay, deysay; deyn)
1. Wax xannibnaa faraha ka qaadid. 2. Hawl la hayay faraha ka qaadid. 3. Wax la caadaystay joojin. Tus. “Waxaa fiican inaad sigaarka dayso”. dayay, deysay, deyn

xaabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax meel yaal mar wada qaadid. 2. Wax wada dhammayn.

saabil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ilay, -ishay)
1. Cayaarta (turubka) dabaka-eriga ran yaryar hor marin si uu ranka waaweyni u soo haro. 2. Cid qayaamo wax ugu qaadid.

taabbaqaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg taabbaqaad. taabbaqaad

baad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.

daadguree [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-reeyay, -raysay)
1. Wax badan meel si degdeg ah uga qaadid. 2. Wax iyadoo meel kale la geynayo halis ka badbaadin.

eedqaad [m.l]
1. E. ah: xumaan la falay eeddeeda qaadid. 2. ld eedqaadid. eedqaadid

eedqaadid [m.dh] eedqaad, eedqaadis
Xumaan la falay eeddeeda qaadid. ld eedqaad (2), eedqaadis. eedqaad, eedqaadis

ictiqaadid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg ictiqaad². ictiqaad

jaanqaad [m.l]
1. Qaadidda tallaabada shanqarta ka yeerta (qof kabo qaba). 2. Saanqaad; socod. 3. ld jaanqaadid.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg