qoryo
(m.l.w)

Qori.

qoryo
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-yaday, -yatay)

Qoryo dhirirkooda kala duwan ku qorituurasho (xoolo saanyasho darteed iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh qoryo

jaabajaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.

jaabo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
1. Qoryo qallalan oo dabka lagu shido; xaabo; qoryo. 2. Alaab aan qiimo lahayn. ld jaabajaabo. jaabajaabo, qoryo, xaabo

maamuusiyad [m.dh] (-do, ml.)
Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.

raar [m.l] (-rar, m.l)
1. Gogol caws ka samaysan oo dun lagu xardhay. 2. Dhismo kor u dheer oo dusha sare lagaga deday qoryo, caws iwm oo laga fuulo, bahalaha, qaniinka, kaneecada iwm. 3. Qoryo, dhagxaan iwm oo la is dul saaray oo sallaan ahaan loo adeegsado. 4. Qoryo ceelka afkiisa lagu dadbo.

raar [m.dh]
1. Guriga gudihiisa qaybta dambe ee saabaanka muhiimka ah la dhigto. 2. Sariir qoryo ka samaysan.

xakab [m.l]
1. Qoryo ceelka afka laga saaro; makaab. 2. Sallaanka meelihiisa cagta la saa-ro.

xambus [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
Jajab qoryo ama saalo.

beni [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Deyd dhagax ka samaysan oo beeraha timirta lagu kala qoqobo. 2. Cariish ka samaysan dhagax iyo qoryo. 3. (ld bini) Lacag bir ah ka mid ah lacagta sarrifka ee Ingiriisiga o laba iyo tobankii beni u dhiganta hal shilin.

buulcaws [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-syo, m.dh)
Hooy yar oo ka samaysan caws iyo qoryo la isa saaray.

cambuul [m.l] (-llo, m.dh)
1. Tub geed sisin ah oo isku xiran. 2. Hoy yar, caws qoryo iwm ka samaysan oo beeraha laga dhex samaysto. ld abbuul, ambuul, cabbuul.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg