rimin
(m.f.dh)

eeg rimi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh rimin

aalo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.

aaran [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.

arrimin [m.f.dh]
eeg arrimi. ld arrimis.

baatir [m.dh] (-rro, m.dh)
Qaalin geel ah oo aan rimin waqtigii ay rimi lahayd.

bacrimin [m.dh]
ld bacrimayn.

bacrimin [m.dh]
Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.

bacrin-la'an [m.dh]
(daaw.) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.

gurdowalaaq [m.l]
Orgi aan gaarin da'dii uu riyaha ku rimin lahaa.

madhale [m.l] (-layaal, m.l/dh)
Nin aan naag rimin karin. ld madhaleys¹.

malloolli [m.l] (-iyo/malloolli, m.dh)
Nafley lab ah oo xubinta taranka aysan shaqeynayn ama wax rimin karin.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg