santi
(m.l)ld senti.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh santi ↴
beestayn [m.l] (-nno, m.dh)
Lacag bir ah oo ka mid ah sarifka rubiyadda oo u dhiganta hal santi, dhuruuruq. ld beesteen.
digrii [m.l]
1. (fiis.) Halbeegga heerkulka oo la doorsooma kolba qiyaasta la adeegsanayo, sida santigireedh ama feeranhayt. 2. (juqr.) Halbeegga loolka ama dhigaha ee la adeegsado si loo muujiyo meel ka mid ah dhulka dushiisa.
heerkul [m.l] (-lyo/-lo, m.l/dh)
(fiis.) Garaadaha kulka shay, inta baddanna waxaa lagu cabbiraa qiyaasta garaadaha santigiraydh (selsis) ama qiyaasta fahranhayt ama waxa lagu qiyaasaa heerkulbeeg.
sarrif [m.l]
1. Lacag jajab ah oo qiimaheedu santiyaal yahay. 2. ld sarrifid.
senti [m.l] (-iyo, m.dh)
Lacag sanuud ah midka ugu qiimo yar; dhururuq. ld santi.
Koonfurta Ameerika []
(Juqr.) Koonfurta Ameerika ama Ameerikada koonfureed waa qaarad ku taalo koonfurta ameerika. Waxaa ku yaala 10 wadan oo kala ah.
(Fanansuwela - Caasimadda: Karakas (Caracas))
(Barasiil - Caasimadda: Barasiliya (Brasília))
Arjantiina - Caasimadda: Bonisaras (Buenos Aires))
(Boliifia - Caasimadda: Labaz (La Paz))
(Ikwadoor - Caasimadda: quweto (Quito))
(Beru - Caasimadda: liima (Lima))
(Kolombiya - Caasimadda: Bogota (Bogotá))
(Baraguay - Caasimadda: Asanasiyoo (Asunción))
(Uruguay - Caasimadda: Montafiidyoo (Montevideo))
(jili - Caasimadda: Santiyeego (Santiago))