Tallaal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)

1. Malaxda ka samysan cudur keenayaasha oo dhimaty oo oogada la geliyo ama lagu mudo, si cudur looga hortago oo guri looga noqdo. 2. Hawsha ama farsamada tallaalka lafteeda. 3. Geed yar oo meel laga rujiyo oo meel kale lagu beero. 4. Laba geed oo kala jaad ah oo inta mid laan ama cad laga gooyo midka kale dhexdiisa la geliyo oo lagu xiro, si labada geed u midoobaan oo inino hor leh oo kuwii hore ka wanaagsan u dhalaan.

Tallaal

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-llo, m.dh)

(daaw.) Dareere loo diyaariyay in lagu daweeyo ama lagaga hortago cudurrada ay dhaliyaan noolayaasha ili-ma-aragtayda ah.

Tallaal

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-aalay, -aashay)

Tallaal ku samayn.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga tallaal

abaqaal | abaqaal | bangalo | dhiraysan | dhiree | geednugeyl | kahortag | kahortagga-cudurrada | moos |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg