Xilli

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

1. Waqti; goor; ammin. 2. Nur.

Xilli

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga: (-iyo, m.dh)

(c.fal.) Xilliyo sannadeed oo lagu garto xaalado gaar ahaaneed ee cimilo, inta badanna ay keento janjeedhka udub dhexaadka dhulka e tub qorraxeedka iyo meereysiga dhulka ee qorraxda. Loolalka dhexe, afar xilli, oo midkiiba saddex bilood yahay, waxa guud ahaan lagu gartaa: kubbad-badhka woqooyi. Gugu waa maarso, abril iyo maajo; xagaagu waa juun, luulyo iyo agoosto; dayrta waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar; jiilaalkuna waa diisembar, ja-naayo iyo febraayo. Kubbad-badhka koon-fureedna xilliyaddu waa lidka kuwan, gugu waa sebtembar, oktoobar iyo noofembar, iwm. Xilliyada xiddigis ahaan waxaa loo tix-geliyaa taariikho gaar ahaaneed.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga xilli

waa | raabiya | yaare | jaahiliyad | faakharad | laangooyo | oosayt | taariikhdii hore | xagaa | xagaa |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg